Rivaldo Oo Saadaaliyay Kulanka Go,aamin Doona Mustaqbalka Tababaraha Real Madrid Ee Santiago Solari & Tababaraha Badali Doona.

0

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ahna halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa aaminsan in uu tababare Jose Mourinho noqon doono tababaraha shaqada Real Madrid ka badali doona Santiago Solari xilli ciyaareedka dambe.

Mourinho ayaa 3 sano ku qaatay Real Madrid ka hor inta uuna ku laaban kooxda Chelsea kadib tababare u noqon Man United kooxdaas oo shaqadiisa laga caydhiyay Bishii December.

Rivaldo oo arintaas ka hadlaya ka hor kulanka El Clasico ayaa yidhi”Kulanka El Clasico ayaa go,aamin doona mustaqbalka Santiago Solari, hadii uu guuldaro kala kulmo kulanka horyaalka maalmo ka hor markii ay ka reebtay koobka waxa ay u badan tahay in uu kooxda isaga tago”.

“Xiriirka Perez iyo Mourinho waa mid adag mana jirto dhibaato dhex taala haatan sidaas dartedd waxa uu aad ugu dhaw yahay in uu noqdo tababaraha cusub ee Real Madrid.

Waxa xusida mudan in uu Santiago Solari la wareegay shaqada Real Madrid kadib markii laga caydhiyay shaqada tababare Lopetegui bilowgii xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here