Rio Ferdinand Oo Weeraray Jorginho, Sarri-na U Sheegay In Uu Sameeyo Laba Is Badal Kadib Guuldaradii Arsenal.

Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand ayaa weerar ku qaaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii ay chelsea guuldarada kala kulantay kooxda Arsenal.

Goolal ay qaybtii hore dhaliyeen xiddigaha Alexandre Lacazzete iyo Laurent Koscielny ayaa Gunners ka caawiyay guul 2/0 ah oo ay ka gaadhay Chelsea.

Blues ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed kale oo niyad jab leh waxana uu Ferdinand si gaaar ah u weeraray xiddiga Joginho kaas oo chelsea xagaagii kaga soo biiray Napoli.

Halyeeyga United ayaa sheegay in ay tahay in Jorginho lagu badalo N’Golo Kante kaas oo booskiisa ka ciyaari jiray ka hor inta uuna Sarri xilli ciyaareedkan ka badalin.

Ferdinand ayaa sidoo kale sheegay in Eden Hazard lagu lumiyay tayadiisa ka ciyaarista weerarka tooska ah ee Lambarka 9 beenta ah.

“Jorginho waa xiddig kubada ka dhex bixiya xiddigaha kale waa xiddig aad u fiican”.ayuu u sheegay BT Sport.

“Laakiin imisa caawin ayuu bixiyay xilli ciyaareedkan? Ma bixin wax caawin ah”.

“Kuma fiicna khadka dhexe ee daafaca, marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn wuu ku dhex lumaa khadka dhexe”.

“Ma ordi karo, sidaas darteed ma siin koox difaacasho fiican, gabi ahaan waxba muu siin koxda ciyaarta gabi ahaanteed”.

“Dhibaatada ugu weyn ee chelsea haysata ayaa sidoo kale ah in ayna haysan No.9, waxa u Malaynayaa in uu tababaruhu Kante ka ciyaarsiiyo booskiisii hore, waa xiddiga ugu fiican booskiisa”.

“Hazard wuu ka ciyaari karaa Weerarka beenta ah laakiin waxba kama caawin karo, laba xiddig oo ah kuwa ugu fiican chelsea ayaan ka ciyaarin booskoodii saxda ahaa wakhti xaadirkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here