Rio Ferdinand Oo Sheegay Hal Arin Oo Uu Ka Shalaynayo Xilli Uu Ka Hadlayay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa ka soo garab ciyaaray qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta wakhtigiisii.

Laakiin xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo Kooxda Man United ayaa qirtay in uu ka shaleeyo in uuna ka garab ciyaarin Lionel Mess.

Rio Ferdinand ayaa wakhti fiican la soo qaatay Cristiano Ronaldo ka hor intii uuna Ronaldo Real Madrid kaga biirin Man United.

Si kasta ha ahaatee waxa uu Lionel Messi kaliya la wadaagay garoon markaas oo uu xiddiga reer Argentine madax xanuun ku riday kadib kulamo champions league ah oo ay isaga hor yimaadeen.

Rio Ferdinand ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu wakhti fiican la qaato xiddiga reer Argentine si la mid ah xiddiga Gerard Pique.

“Waxa aan ka garab ciyaaray Cristiano Ronaldo, laakiin kama garab ciyaarin Messi”ayuu Rio Ferdinand yidhi.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan Messi-na ka garab ciyaaro , in aan ka garab ciyaaro laba ka mid ah xiddigaha abid ugu fiican kubada cagta waxa ay noqon lahayd wax weyn oo aan ka sheekeeyo”.

“Pique ayaa sidaas sameeyay, waa qof nasiib bdan”.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan sheego in aan ka soo garab ciyaaray labadoodaba”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here