Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kulanka Bayern Munich & Liverpool Hal Sababna U Sheegay In Ay Liverpool Ku Garaaci Karto Bayern

0

Halyeeyga kooxd Man United ahna Falanqeeyaha BT Sport ee Rio Ferdinand ayaa aaminsan in weerarka Liverpool bur-burin karaan Bayern Munich kulankooda caawa.

Liverpool ayaa marti u noqon doonta Bayern Munich lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kadib markii ay bar-baro gool la,aan ah ku kala bexeen lugtii hore.

Reds ayaan ugu cad-cadayn u soo bixista wareega xiga marka loo eego Rikoodhka Bayern Munich ee garoonkeeda tartanka champions League.

Ferdinand ayaa rumaysan in saddexda xiddig ee weerarka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Maen bur-burin karaan Bayern Munich.

“Kulanku waa 50-50 laakiin kooxda faa,iidada qabta ayaa ah Liverpool”.

“Hadii ay helaan hal gool waxan u malaynayaan in ay hogaaminayaan kulanka, kadib waxa ay gali karaan daafac iyaga oo saddexda xiddig ee weerarka u adeegsan doona bin ay bur-buriyaan Bayern Munich”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here