Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxaha U Gudbi Doona Semi-Finalka Champions League Kadib Natiijooyinkii Lugta 1-aad, Maku Raacsantahay?

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay kooxaha u gudbi doona Semi-finalka tartanka champions League kadib natiijooyinkii lugta 1-aad ee Kulamada 8 Dhamaadka tartanka champions League.

Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in Wareega Semi-finalka tartanka champions League u gudbi doonaan kooxaha Man United, Liverpool, Tottenham iyo Juventus kaidb marka todobaadka dambe la ciyaaro kulamada lugta 2-aad ee 8 dhamaadka champions League.

Lugtii 1-aad ee kulamada 8 Dhamaadka tartanka ayay guulo gaadheen kooxaha Liverpool, Tottenham iyo Barcelona kuwaas oo min hal lug lasii galay wareega Semi-finalka tartanka.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa faa,iido weyn kala timid garoonka Ajax ka hor lugta 2-aad halka Man United, Man City iyo Porto guuldarooyin kala kulmeen kulamadooii.

Rio Ferdinand oo la hadlaya BT Sport ayaa yidhi”Liverpool way gudbi doontaa, Tottenham way gudbi doontaa, Kadib bar-barihii Ajax Juventus-na way gudbi doontaa”.

“Qalbigayga ayaana ii sheegaya in ay Man United gudbi doonto inkasta oo ay guuldaro kala kulantay Barcelona lugta hore”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here