Rio Ferdinand Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Kadib Ka Hadhistii Real Madrid.

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay 2 kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga Tartanka champions League kadib markii ay Ajax kooxda Real Madrid ka reebtay Tartanka.

Rio Ferdinand ayaa rumaysan in ay kooxaha Man City iyo Liverpool ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga champions league waliba kooxaha ku jira tartanku doonayaan in ay ka fogaadaan in ay ku aadaan laabdaas kooxood kulamada soo socda.

Kooxaha Tottenam iyo Ajax ayaa noqday labadii kooxood ee ugu horeeyay ee u gudbay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

“Dadka qaar waxa ay u saadaalinayaan kooxda PSG qaar kale kooxda Juventus halka qaar kale u saadaalinayaan”.

“Laakiin uma malaynayo in ay koox kasta doonayso in ay ku aado kooxaha premier League sababta oo ah waxa ay ciyaaraan kubada deg-deg ah’.

“Waxa ku guulaysiga champions League ugu cad-cad kooxaha Man City ama Liverpool kuwaas oo haatan ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here