Rikoodhada Uu Lionel Messi Jabin Karo Sanadka 2019

Inkasta oo uu shaki la,aan baacsan doono abaalmarinaha shaqsiga ah hadana Lionel Messi ayaa isha ku haya in uu jabiyo rikoodho ka yaala kubada cagta sanadka 2019.

Xiddia reer Argentine ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah todobaadba todobaadka ka dambeeya inkasta oo uu sii weynaanayo.

Waxana uu sanadka 2019 isha ku hayaa in uu sii wado shaqadaas waliba jabiyo rikoodhayaal ka yaala kubada cagta inta uu ciyaarayo.

Waxa waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikoodhayaash uu Messi isha ku hayo in uu jabiyo sanadka 2019.

Rikoodhkii Ryan Giggs ee Koobabka Hal Koox: Hadii uu Messi sanadkan ku guulaysto saddexley koobab ah waxa uu gaadhi doonaa koobabkiisii 36-aad ee koox kaliya waxana uu bar-barayn doonaa halyeeyga kooxda Man United ee Rayn Giggs.

In uu Noqdo Xiddiga Ugu Safashada Badan Taariikhda Barcelona: Leo Messi ayaa isha ku haya in uu noqdo xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona haatan waxa uu ku jiraa kaalinta 3-aad isaga oo saftay 657 kulan waxana uu 18 kulan u jiraa in uu dhaafo Iniesta oo saftay 675 halka uu sidoo kale isha ku hayo in uu dhaafo Xavi oo kooxda u saftay 767 kulan.

In Uu Ku Dhawaado Rikoodhka Guulaha Ee Casillas: Xiddiga reer Argentine ayaa gaadhi kara xiddiga ugu guulaha badan horyaalka La Liga isaga oo haatan 7 kulan oo kaliya u jira in uu bar-bareeyo rikoodhka Goolhayihii hore ee Iker Casillas oo 334 kulan oo La Liga ah guul gaadhay.

Ku Guulaysiga Kabtii 6-aad ee Dahabka ah: Messi ayaa isha ku haya in uu ku guulaystay kabtii 6-daad ee dahabka ah iyo waliba in uu midkii 3-aad oo xiriir ah ku guulaysto waana wax aanu xiddig kale dhigin taariikhda kubada cagta.

In Uu Gaadho Rikoodhkii Telmo Zarra: Messi ayaa isha ku haya in uu markii 6-daad ee xirfadiisa ku guulaysto abaalmarinta gool dhalinta La Liga ee Pichichi iyo waliba xiddiga ugu goolasha badan taariikhda La Liga, Messi ayaa haatan dhaliyay 397 gool waxana uu isha ku hayaa 400 oo si uu u bar-bareeyo halyeeyga reer Spain ee Telmo Zarra.

In Uu Gaadho Saddexleydiisii 50-aad: Kabtanka Barcelona ayaa kaliya hal saddexley u jira in uu gaadho 50 saddexley xirfadiisa ciyaareed.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here