RIKOODH: Karim Benzema Oo Noqday Xiddiga 6-aad Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Real Madrid & Xiddigaha Ka Horeeya.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa sii wada samaynta taariikhda kooxda Real Madrid kadib markii uu noqday xiddiga 6-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 209-aad ee kooxda Real Madrid isaga oo dhaafay halyeeyga kooxda ee Hugo Sanchez.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 2 goo kulankii ay Real Madrid ku garaacday kooxda Girona lugta 2-aad ee Copa del Rey.

Haatan waxa uu noqday xiddiga 6-aad ee ugu goolasha badan tariikhda kooxda Real Madrid isaga oo ka dambeeya xiddigaha Ferenc Puskas oo dhaliyay 242 goo, Santillana 290 gool, Alfredo Di Stefano 308 gool , Raul Gonzalez 323 goo & Cristiano Ronaldo 451 gool.

Xiddiga 31 Jirka ah oo sanadihii ugu dambeeyay lagu eedaynayay in uuna kooxda u dhalin goolal badan ayaa eedaas meel iska saaray xilli ciyaareedkan.

Benzema ayaa dhaliyay 136 gool oo horyaalka La Liga ah, 47 champions League ah, 20 Copa del Rey ah, 3 Club World Cup-ka ah 2 Spanish Super Cup iyo Hal European Super Cup.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here