RIKOODH: Gianluigi Buffon Oo Isku Qoray Taariikhda Champions League Kadib Kulankii Man United

0

Garoonka Old Trafford ayaa makhraati ka ahaa rikoodh cajiib ah oo uu goolhaye GianluigiBuffon ka dhigay tartanka champions League.

Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa kulankii Champions League ee ay PSG guusha ka gaadhay Man United ciyaaray kulankiisii 50-aad ee uu ilaashada shabaqiisa.

Gianluigi Buffon ayaa ku bilowday shaxdii kulankii PSG ee 2/0 ku garaacday Man United kana dhacay Old Trafford kana tirsnaaa wareega 16-ka tartanka champions League.

Buffon ayaa ah xiddiga 3-aad ee shabaqiisa ilaashada kulaamda ugu badan taariikhda taratnka isaga oo 50 kulan ilaashaday.

Waxa kaalinta 1-aad ku jira goolhayaha kooxda Fc Porto ee Iker Casillas kaas oo 56 kulan ilaashada shabqiisa halka uu kaalinta 2-aad ku jiro xiddigii hore ee kooxda Man United ee Edwin van der Sar kaas oo 51 kulan shabaqiisa ilaashaday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here