Ricardo Kaka Oo Shaaca Ka Qaaday Doorka Uu Lionel Messi Ku Leeyahay Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Cristiano Ronaldo.

Halyeeyga Kooxda Ac Milan ee Ricardo Kaka ayaa shaaca ka qaaday qaabka uu Lionel Messi sabab ugu yahay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu Cristiano Ronaldo ku jira xilli icyaareedkan.

Kaka ayaa sheegay in uu Cristano Ronaldo ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo la tartamaya xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ku jira xilli ciyaareedk mucjsio ah.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay saddexley halka uu Lionel Messi dhaliyay 2 gool bartamihii todobaadka kana caawiyay kooxaha Juventus iyo Barcelona in ay u gudbaan 8 dhamaadka champions league.

Qaab ciyaareedkooda cajiibka ah ayaa inta badan taageerayaasha kubada cagta ku keena in ay ku murmaan midka ugu fiican adduunka.

Labada xiddig ayaa ku guulaystay 10 Ballon d’Or dhexdooda halka ay sidoo kale dhaliyeen 719 gool oo horyaalka La Liga ah dhexdooda.

Kaka oo ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku guulaysta baalmarinta Ballon d’Or ka hor Messi iyo Ronaldo ayaa ruaysan in uu Messi Dhigiisa Ronaldo ku riixayo in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

“Anigu lama yaabayo waxa dhacaya laakiin waxa iga yaabisay ayaa ah qaabka ay wali ugu jiraan heerka haatan”ayuu Kaka U sheegay La Gazzetta dello Sport.

“Waxa aan rumaysanahay in in uu Messi saamayn ku leeyahay iyo rabitaanka in uu mar walba ka fiicnaado isaga”.

“Waxa uu ku jiraa da,da 34 waliba soo qaatay guulo badan, Cristiano ayaa wali helaya dhiiri galin la yaab leh”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here