Real Marid Oo Si Maldahan U Sheegtay In Ay U Dhaqaaqi Doonaan Saxiixa Kylian Mbappe

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa xalay la arkayay isaga oo ay wajigiisa dib ugu soo laabatay Farxada kadib markii uu xaqiijiyay in uu kooxda dib ugu soo laabtay tababare Zinedine Zidane.

Florentino Perez ayaa haatanba si maldahan u sheegay in ay kooxdu u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga da,yarka ah ee kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

“Zidane waa jacayl 18 sano jira”ayuu Madaxweynuhu yidhi. “Waxa ay maalin weyn u tahay qof walba oo kooxda ku xidhan”.

“Waxa kaliya jiri doona is badalka uu isagu samayn doono”ayuu sheegay isaga oo xaqiijiyay in uu isagu si buuxda u maamuli doono kooxda.

“Zidane waa tababare soo saaray farxad kaliya ma ahan Spain laakiin adduunka oo dhan”.

“Laakiin haatan waa in aanu isku diyaarino kulanka xiga xilli ciyaareedkana ku dhamaysano si fiican”.

Isaga oo soo hadal qaaday xiddig ay kooxdu u dhaqaaqi doonto adduunka ayuu ku kaftamay xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

“Zidane waa tababare France ah sidaas darteed isaga kaligii ayaa wax ka qaban kara arinta Mbappe”ayuu sii raaciyay isaga oo qoslaya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here