Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarkii Maanta Ee Isniinta, Imisa Xiddig Ayaa U Soo Laabtay?

Kadib guushii wakhtiga dambe ahayd ee ay Real Madrid ka gaadhay kooxda Real Betis Los Blancos ayaa war fiican ka heshay tababarkii maanta ee isniinta.

Real Madrid ayaa durba ku soo laabatay tababarka iyaga oo dareenkooda u jeedinaya kulanka bartamaha todobaadka ee lugta 2-aad ee tartanka Copa Del Rey-ga.

Xiddigaha Marco Asensio, Toni Kroos, Marcos Llorente, Gareth Bale & Thibaut Courtois oo dhaawac kaga maqnaa kooxda ayaa dhamaantood tababarka la qaatay kooxda.

Dhanka kale xiddigaha Sergio Ramos, Raphael Varane, Luka Modric, Dani Carvajal & Keylor Navas kuwaas oo ka qayb qaatay kulankii xalay ayaa qolka jimicsiga ku qaatay tababar soo kabsasho ah.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Real Madrid kuwaas oo si aad ah ugu baahan xiddigaha ka dhaawacan si ay ugu dagaalamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee uma badna in ay xiddigahaas ka qayb qaataan kulanka Leagnes ee Salaasada ee lugta 2-aad ee tartanka Copa del Rey.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here