Real Madrid Oo U Dhaqaaqi Doonta Saxiixa Jurgen Klopp Hadii Ay Laba Arimood Dhacaan

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedsan doonto tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp hadii uu Liverpool kula guulaysto premier League meel fiicana ka geeyo tartanka champions League sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayay kooxdiisu guuldaro kala kulantay finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore.

Si kasta ha ahaatee Reds ayaa si fiican uga soo kabsatay niyad jabkii finalka champions League iyaga oo wacdaro ka dhigay premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa haatan goolal kaga dambaysa Man City hogaanka horyaalka premier League iyaga oo sidoo kale qaab fiican soo bandhigay champions League gaadhayna wareega 16-ka.

Wargayska Ok Diario ayaa sheegaya in ay Real Madrid bartilmaameedka 1-aad ka dhigan doonto tababare Jurgen Klopp hadii uu Liverpool ku hogaamiyo ku guulaysiga horyaalka premier League tartanka champions League-na meel fiican geeyo.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo tababare Santiago Solari kaas oo ayna ku qanacsanayn wax qabadkiisa ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here