Real Madrid Oo U Awood Sheegatay Athletic Bilbao, Habeenkii Benzema Ayay Aheyd

0

Real Madrid iyo Athletic Bilbao ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore ay ku badda ku badneyd cagta kooxda Real

Goosha Athletic Bilbao ayay kubadda ku meereysaneysay balse Real sidii la rabay ugama aysan faa`ideysan xilli dhanka daafaca Athletic Bilbao uu ahaa mdi aad u adag .

Kubad haysashada Atletico Bilbao ee qeybtaas hore waxa ay gaartay 41% balse waxa jirtay mar ay si weyn dhamaadkii ugu sigteen gool balse nasiibka ayaa diiday
Real kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxaana dadaal gaar ah waday Kariim iyo Asensio waxa ayna kubadooda ka socotay garbaha .

Real , durba soo laabashadii gool ayay heleen waxaana daqiiqaddii 47-aad saxiixay Karim Benzema xilli Real ka dib goolkaas ay abuurayeen weeraro deg deg ah .

Qeybihii dhexe ee qeybta labaad labada koox kubadda waa u furneyd mana jirrin fursado gaar ah oo ay helayeen labada koox

Atletico qeybihii dhamaadka xigeedka waxa ay isku dayayeen in ay horay u soo dhaqaaqaan xilli Real ay badalkooda sameeyeen daqiiqaddii 70-aad iyaga oo giliyay Bale iyo Isco oo loo badalay Kroos iyo Lucas.

Marka guud ahaan la eego hanaan ciyaareedka Real iyaga ayaa u nuglaa in ay dhaliyaan gool labaad waxaana daqiiqaddii 76-aad u saxiixay mar kale Karim Benzema

Si waliba oo ay Athletic Bilbao dhamaadkii u dagaalameen waxa ay ciyaarta ku dhaamatay sedex gool oo nadiif ah ka dib markii uu Benzema uu sedexeystay daqiiqaddii 90-aad waxa ayan sidaaas guusha ku raacday Real Madrid oo haatan leh 64 dhibic iyaga oo ku jira booska 3-aad ee La Ligaha

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here