Real Madrid Oo Taako Kala Kulantay Leganes Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka La Liga

Kooxda Real Madrid ayaa taako kala kulantay kooxda Leganes kulan tirsanaa horyaalka La Liga toodbaadkii 32-aad kana dhacay garoonka Estadio Municipal de Butarque.

Kulanka ayaa ku bilowday si aad u hoosaysa iyada oo ayna labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanci karo iyaga oo aan samayn fursado laga hadlo karo qaybtii hore.

Daqiiqadii ugu dambaysay qaybtii hore ee 45-aad ayay Leganes dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jonathan Silva kaas oo ciyaarta wax ka badalay hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Leganes kaga naxsatay gool kooxda Real Madrid inkasta oo ayna labada kooxoodba soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanco.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid aad uga fiican qaybtii hore iyaga oo labada kooxoodba qaadayeen weeraro halis ah waliba sameeyay fursado goolal laga dhalin karo soona bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Real Madrid oo ciyaarta maamulaysay kana gacan saraysay Leganes ayaa daqiiqadii 51-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay weeraryananka Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Labada kooxood ayaa sameeyay fursado waali ah oo ay ka dhalin kareen goolal laakiin ay u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan iyaga oo iska khasaariyay ama goolhayayaashu ka qabteen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leganes bar-baro 1/1 ah ku qabatay kooxda Real Madrid xilli ay Los Blancos ka sii fogaatay dagaalkii ay ugu jirtay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here