Real Madrid Oo Saacad Kadib Ku Dhawaaqi Doonta Soo laabashada Zidanedine Zidane

0

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo magacaabista tababare Zinedine Zidane in uu noqon doono tababaraha kooxda saacadaha soo socda.

Kooxda ayaa go,aansatay in ay iska fasaxdo tababare Santiago Solari kadib markii uu la kulmay madaxda kooxda Kadib kulankii champions league.

Zidane ayaa mar walba ahaa dookha 1-aad ee Real Madrid iyo madaxweynaha Florentino Perez sida uu sheegay wargayska MARCA Todobaadkii hore.

Kadib markii laga reebay Copa del Rey, Champions League iyo waliba ka hadhista horyaalka La Liga wakhtigii Solari ayaa u muuqda mid soo dhamaaday.

TV-ga reer Spain ee Jugones ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid ku dhawaaqi doonto tababare Zidane 8:00 Caawa oo Isniin ah.

Tababaraha reer France ayaa ka baxay Real Madrid 9 bilood ka hor kadib markii uu saddex champions league kula guulaystay kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here