Real Madrid Oo Raphael Varane U Isticmaalaysa In Ay Ku Hesho Xiddig Liverpool Ah

0

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Dhigeeda Liverpool la samayso heshiis isku badalasho ah sida ay sheegayaan wararku.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Kooxda Liverpool miiska u saarto xiddiga reer France ee Raphael Varane si iyaguna uga helaan xiddiga Reer Senegal ee Sadio Mane.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Raphael Varane doonayo ku biirista horyaalka premier League soona afjaro 8-dii sano ee uu joogay kooxda Real Madrid,

25 jirkan ayaa Los Blancos kaga soo biiray kooxda reer France ee Lens sanadkii 2011 kana mid noqday daafacyada ugu fiican adduunka.

Raphael Varane ayaa Real Madrid kula guulaystay koobab badan oo ay ugu waaweyn yihiin horyaalka La Liga iyo champions League.

Laakiin waxa la rumaysayn yahay in uu doonayo in uu doonto tartan cusub isagana tago kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid.

Sidaas darteed wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Real Madrid xiisaha xiddiga ee premier League u isticmaali doonto in ay ku soo xero galiso xiddiga Liverpool ee Sadio Mane.

Zidane ayaa taageero weyn u ah xiddiga Liverpool isaga oo haatan ka dhigtay bartilmaaameedkiisa 1-aad marka la gaadho suuqa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here