Real Madrid Oo Philippe Coutinho Ka Caawinaysa In Uu Ka Tago Barcelona, Qaab Noocee Ah?

Mustaqbalka xiddiga Kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayuu shaki weyn ku sii kordhay iyada oo ay suurtagal tahay in uu isaga tago kooxda.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in wadahadalada ay kooxda Real Madrid la furtay Eden Hazard ayaa Coutinho u furaya Albaabka in uu ku biiro kooxda chelsea.

Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa Eden Hazard marka la gaadho suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea badalka Hazard u dhaqaaqi doonto Coutinho si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Coutinho ayaa leh khibrad fiican oo premier League ah kadib markii uu u soo ciyaaray kooxda Liverpool ka hor intii uuna ku biirin Barcelona.

Sidoo kale Chelsea ayaa Xiddiga Borussia Dortmund ee Chritain Pulisic la soo saxiixatay iyaga oo isku diyaarinaya bixitaanka Hazard.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here