Real Madrid Oo Man City Kala Heshiisay Saxiixa Xiddig U Ciyaara, Faah-Faahinta Heshiiska & Wakhtiga Bernabue Lagu Soo Bandhigi Doono

0

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madird ku dhaw dahay ku dhawaaqista saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.

Suuqa January ayaa si Rasmi ah u bilaabmi doona salaasada waxana ay kooxda Real Madrid suuqa u gali doontaa sidii ay u xoojin lahayd kooxda dhibaataysan xilli ciyaareedkan.

Da,yarka Brahim Diaz ayaa ah xiddigaha sida xoogan ugu soo kacaya kubada cagta waxana uu noqon doonaa saxiixa ugu horeeya ee kooxda Real Madrid iyada oo haatan ka hadhsan yahay heshiiska in lagu dhawaaqo.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu 19 jirka reer Spain ku dhaw yahay in uu ku biiro saxiixa xiddiga iyada oo heshiiska haatan ka hadhsan tahay in la shaaciyo oo kale maalmaha soo socda.

Xiddiga reer Spain ayaa ku laaban doona dalkiisa hooyo mar kale isaga oo qoyskiisa kula biiri doona Spain kuwaas oo ku nool Spain inkasta oo uu isagu England joogay.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in uu Brahim Diaz qalinka ku duugi doono heshiis 6 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 3.5 milyan Euro.

Los Blancos ayaa qorshaynaysa in ay Brahim Diaz ku soo bandhigto garoonka Santiago Bernabeu todobaadka dambe marka ay maalmaha soo socda tijaabada caafimaadka marsiiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here