Real Madrid Oo Ku Kalsoon Helitaanka Saxiixa Eden Hazard & Arinta U Dududayn Karta Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa kalsooni weyn ka muujisay helitaanka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard sida ay sheegayaan wararku.

Real Madrid ayaa rumaysan in dhibaatada Maurizio Sarri uu ku bilowday Chelsea ay u fududayn doonto sidii ay ku heli lahaayeen Eden Hazard dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Belguim ayuu hal sano uga hadhi doonaa heshiiskiisa chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si weyn u qirtay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga.

Hazard ayaa dhawaan dib u helay booskiisii saxda ahaa kadib markii uu Sarri ka ciyaarsiiyay weerarka beenta ah qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in xiddigaha ugu waaweyn ee kooxdu dhibaato ku qabaan tababaraha reer Italy waliba ka cabanayaan shaxdiisa.

Wararka ayaa sheegaya in hadii tababare Sarri sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan in ay xiddigo waaweyn oo kooxda ah isaga tagi doonaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here