Real Madrid oo guul rafaad ah ka gaartay Real Betis & Miyaa la yiri Isco iska bax ?

Real Madrid ayaa guul cidhiidhi ah ka soo gaadhay kooxda Real Betis iyada oo Dani Ceballos uu noqday xidiga Santiago Solari ka badbaaday babraro kale oo aanu sharaxaad u heleen kadib markii ay Real Betis la timid goolka barbaraha qaybtii labaad ee kulankan.

Real Madrid ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee sanadkan cusub ee horyaalka La Liga iyada oo waliba ka faa’iidaysatay in kooxda kaalinta afraad ka haysatay ee Alaves ayna guulaysan taas oo Los Blancos ka caawisay in ay kaalinta afraad ee La liga soo gashay.

Karim Benzema ayaa dhaawac gacanta ka soo gaadhay looga saaray kulankan iyada oo waliba Madrid kulanka soo socda la ciyaari doonta Sevilla wuxuuna Solari sugi doonaa xaalada Benzema iyo waliba xidigaha kale ee kooxdiisa dhaawaacyada badan kaga maqnaa.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayay qasab ku noqotay in uu gabi ahaanba badalay hanaankii shaxdiisa wuxuuna kulankan ku soo shirtagay shax u qaabaysan 3-5-2 oo ah saddex difaac ah, shan khadka dhexe ah iyo walba weerar ah taas oo si fiican ugu shaqaysay qaybtii hore ee kulankan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Real Madrid natiijo ahaan gacanta sare u lahayd halka kooxda martida loo ahaa ee Real Betis ay ahayd kooxda boosishanka ugu badan ciyaarta ka haysatay balse ku fashilantay in ay dhibaato ku abuurto saddexda difaaca ahaa ee uu Solari kulankan ku soo shirtagay.

Daqiiqadii 13 aad Real Madrid ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee ay kaga naxatay Real Betis waxaana goolkan u saxiixay Luka Modric oo si fiican uga faa’iidaystay kubabad laga joojiyay Dani Carvajal wuxuuna Modric dhaliyay goolkiisii La liga ee ugu horeeyay tan iyo January 21,2018 kii waana mudo ku dhawaad sanad ah oo uu gool dhalinta La liga ka maqnaa.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Real Madrid hogaanka kula wareegtay waxayna Real Betis isku dayday sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd halka Madrid ay dagaal ugu jirtay in ay natiijada ilaashato isla markaana ay goolal kale raadiso.

Laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo dhamaadkii qaybtii hore uu Karim Benzema dhaawac ka soo gaadhay gacanta taas oo keentay in Solari uu qaybtii labad kooxdiisa soo raaciyay da’yarka Cristo González.

Karim Benzema ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Madrid iyada oo Solari uu qaybtii labaad ku qasbanaaday in uu kooxdiisa soo raaciyo da’yarka Cristo González kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga saftay.

Daqiiqadii 68 aad kooxda Real Betis ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu muuqaal caawiyaha garsoorka VAR badalay go’aannkii garoonka dhexdiisa isla markaana uu sharci noqday gool uu dhaliyay Canales kaas oo caawin ka helay G. Lo Celso waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 74 aad Solari ayaa ciyaarta soo galiyay Dani Ceballos wuxuuna saaray Reguilón laakiin markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen ayuu markale Solari ciyaarta soo galiyay saxiixa cusub ee Brahim Díaz kaas oo saftay kulankisii ugu horeeyay ee La liga ee Madrid waxaana la saaray Valverde.

Daqiiqadii 88 aad Dani Ceballos ayaa noqday xidiga Solari ka badbaadiyay dhibaatada uu daqiiqadaha kooban u jiray kadib markii uu Ceballos dhaliyay goolka labaad ee Real Madrid isaga oo waliba kubbad laaga xorta ah uu ku tuuray ku ugaadhsaday kooxdiisii hore ee Real Betis.

Goolka uu Dani Ceballos dhaliyay dhamaadkii ciyaarta ayaa kooxdiisa Real Madrid ka caawiyay in ay saddexda dhibcood ka soo qaadatay Betis waxayna ahaayeen saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay ee ay Madrid kulan la liga ah ka heshay sanadkan cusub ee 2019.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here