Real Madrid Oo Guul Qaali Ah Kala Soo Laabatay Real Valladolid , Qeybtii Labaad Ayay Kubadda Rogeen Xilli 10 Xiddigna Ay Ku Dhameysteen Ciyaarta

Real Valladolid iyo Real Madrid ayaa nasiinada ku aaday min hal gool kulan qeybtiiisa ay hore ay Real dareemeen culeys badan , waxa uuna kulankaan ahaa mid ka tirsan La Ligaha .

Real ayaa lagu dilay kubad deg degsiimo ah , waxa ayna kooxda martida loo ahaa ciyaarayeen kubad weerar ah oo dhan waliba ka dhisaneyd , waxa ayna daqiiqaddii 12-aad iska qasaariyeen rigoore

Real , waxaa ka maqnaa in sax ah weerarka u abuuraan , waxaana Real Valladolid laga diiday laba gool oo offside ahaan aheyd , waxa ayna daafaca Real la dhibaatoodeen weerarada aan kala joogsiga laheyn ee Real Valladolid .

Kooxda Real Valladolid waxa ay dadaalkooda ku keeneen gool qurux badan waxaana dhaliyay Anuar daqiiqaddii 29-aad , sidaas oo ay tahay Real niyad kama aysan qaadin waa ayna soo jiidayeen kubadda balse baasaska ma aheyn kuwo saxan .

Xilli xaalka sidaas ahaa ayay Real heleen goolka bar bar dhaca ka dib kubad koorno aheydn waxaana ugu dambeyn shabaqa dhigay Varane daqiiqaddii 34-aad .

Benzema ayaa ahaa xiddiga sida weyn u dhaq dhaqaayaya oo weerarka iyo difaacba wuu uu soo degayay waxaana nasiinada lagu aadya min halkaas gool.

Qeybta labaad , labada koox isku dayo kala duwan ayay sameynayeen halka kooxda martida loo ahaa ay ahaayeen kuwo baxsad ah balse Real waxa ay dadaal ugu jireen in qaladaad daafac uu ka dhaco.

Real waxa ay weerarkooda ku heleen rigoore waxaana gool u turjumay Benzema daqiiqaddii 51-aad , waxa ayna ka dib goolkaas Real ahaayeen kuwo si wacan u soo dhisayay kubadda waliba aagga goosha Real Valladolid waa ay soo gaarayeen

Real Valladolid waxa ay u muuqdeen kuwo dib u gurtay oo sidii qeybtii hore ma aheyn waxaana ku adkaa in ay u dhawaadaan goosha Real waxaana taasi badalkeedu loogu daray gool sedexaaad waxaana labeystay Benzema kaasi oo kubad koorno aheyd madaxa ku dhaliyay daqiiqaddii 59-aad

Qeybihii dhamaadka , kooxda martida loo ahaa waa ay soo weerar tagayeen waxa ayna daqiiqaddii 76-aad ku sigteen gool balse kubad ay ku laadeen shabaqa Real waxa ay kaga dhacaday birta

Daqiiqadihii geerida kubadda waa ay u furneyd labada dhinac balse Real ayaa laga filan karay gool sedexaad waxaana Real daqiiqaddii 80-aad kaarka cas ka qaatay Casemiro oo daqiiqaddii 69-aad loo taagay kaarka digniinta

Ugu dambeyn Real dadaalkoodii gool sedexaad ayay ku keeneen waxaana dhaliyay Modric daqiiqaddii 85-aad waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 4/1 oo ay Real ku badiyeen waxa ayna haatan sidaas ku leeyihiin 51 dhibic iyaga oo ku jira booska 3-aad

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here