Real Madrid Oo Guul Ku Soo Dhaweysay Tababaraha Soo Laabtay Ee Zidane , Isco Iyo Gareth Basle Ayaa Cuqdada Iska Saaray

Real Madrid iyo Celta Vigo ayaa nasiinada ku aaday bar bar dha bilaa goolal ah xilli kulankaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee tababare Zidane ka dib markii uu dib uu ugu soo laabtay laylinta kooxda Real oo uu maalmo ka hor qabtay .

Tababare Zidane ayaa kulankaan fursad siiyay laacibka ay cuqdada ku dishay kursiga keydka ee Isco kaasi oo aan wax badan muujin waliba ay ka muuqatay dabacsanaan dhanka jirka ah oo waxa ay aheyd in ugu yaraan la soo giliyo qeybta labaad .

Real ayaa wacneyd qeybtaas hore balse fursado badan ma jirrin waxaana Celta Vigo gool xaqiiq ahaa oo aad u qurxoonaan lahaa waxaa ka bad baadiyay goolhaye Nevas daqiiqaddii 15-aad

Kulankaan oo uu sidoo kale ku soo biloowday Marcelo ayaa waxaa uu ka ciyaarayay garabka bidix waxa uuna caawis u ahaa weerarka Real .

Real inkastoo ay ahaayeen dhanka wacnaa hadana qadka dhexe waxaa ka maqnaa isku xernaashaha waxaana ka muuqatay dabacsanaan xilli daqiiqaddii 30-aad ay ku sigteen gool balse waxa ay birta kaga dhaccday Garethe Bale .

Kooxda Celta Vigo daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Biloowga soo laabashada , Real ayaa dar dar wacneyd waxa ayna isku dayayeen in kubadd agarasiiyaan goosha Celta Vigo balse daafa adag ayaa hor taagnaaa.

Daqiiqadii 56-aad Real gool ayaa laga diiday ka dib dhowr daqiiqo oo dib loogu laabtay VAR ,ka dib kubad koorno ka timid oo ay soo celiyeen daafaca Celta Vigo waxaa si cajiib ah ugu laaday Modric .

Celta Vigo waxaa ku adkaa in kubadda iska soo fogeeyaan waxaana dadaalkii Real ku yimid gool uu si cajiib ah uga soo shaqeeyay Assensio kaasi oo dhowr daafac u soo gooyay ayuu u baasay Benzema kaasi oo isna u sii dhigay Isco oo shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 62-aad halka tababare Zidane uu badalay laacibkaas iyadoo daqiiqaddii 67-aad lagu soo badalay Ceballos .

Si kastabab , Real qeybta labaad ayay u wanaayeen waxaana ka go`anaa in ay helaan gool loabaad maadaam duullaan ahaayeen waa ayna keenaan waxaana daqiiqaddii 77-aad dhaliyay Gartah Bale , waxa ayna ka dib ciyaarta aheyd hal dhinac waxa ayna ku dhamaatay labadaas gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here