Real Madrid Oo Guul Ay Ku Rafaaday Laakiin U Qalantay Ka Gaadhay Sevilla

Kooxda Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Sevilla xilli ay xiddigo badan ka maqnaayeen xiddigo badan oo muhiim ah.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si taxadar ku jiro u ciyaarayeen kuna dag-dagayn in ay weeraro qaadaan si fiicana u difaacanayay.

Laakiin taas ayaan kooxda Sevilla ka hor istaagain in ay khatarta ku bilowdo goolka Real Madrid iyaga oo dhalin gaadhay gool laakiin uu nasiibku ka hor istaagay.

Real Madrid ayaa u jawaabtay laba fursadoo oo cajiib ah sameeyay laakiin ayna wax gool ah u badalin iskana khasaariyeen fursadahaas.

Kadib fursado badan iyo weeraro ay labada kooxood isku qaadeen waxa ay qaybtii hore ee ciyaarta ku kala bexeen bar-baro goolal la,aan ah.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid horumarisay qaab ciyaareedkooda iyaga oo ka khatar badnaa sidii qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Sevilla ayaa si fiican u difaacanaysay dhankoodana qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku dhalin gaadheen goolal.

Daqiqiadii 78-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka iyaga oo uu daqiiqadii 90-aad u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid ku gaadhay guul ay u qalantay laakiin u rafaaday iyaga oo Sevilla uga badiyay 2/0

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here