Real Madrid Oo Dib U Soo Celisay Xiisaha David De Gea Kadib Markii Uu Zidane Goolhaye Courtois Ka Saaray Shaxdiisa

Kooxda Man United ayaa wajahaysa dagaal cusub oo ay ku haysanayso goolhaye David De Gea kadib markii uu Zinedine Zidane ku soo laabtay Real Madrid.

Zinedine Zidane ayaa taageero weyn u ah Goolhayaha reer Spain waxana uu ka dhigan doonaa bartilmaameedkiisa 1-aad xilli uu dib u dhisayo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa Zidane u balan qaaday lacag badan si uu xagaaga ugu xoojiyo kooxda xilli uu tababare Zidane doonayo in uu dhiso koox u tartanta horyaalka iyo waliba champions League xilli ciyaareedka dambe.

Lacag dhan 75 milyan oo euro ayaa loo diyaariyay goolhayaha 28 jirka ah ee De Gea kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Man United aya wadahdalo heshiis kordhin ah kula jirta De Gea kadib markii ay dhaqan galiyeen heshiis ilaa 2020 ee dookha ahaa waxana ay ku kalsoon yihiin in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixan doonaan laakiin xiisaha cusub ee Real Madrid ayaa arinta ku adkaynaya.

Real Madrid ayaa xagaagii la soo saxiixatay goolhaye Thibaut Courtois kaas oo ay ka soo bixiyeen 35 milyan oo euro laakiin Soo laabashada Zidane ayaa la rumaysan yahay in uuna ku qancsanayn tayada Goolhayaha reer Belguim.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here