Real Madrid Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Helayso Xiddiga Khadka Dhexe Ee Christian Eriksen

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday qorshaha cusub ee ay kooxda Real Madrid u dagsatay sidii ay u heli lahayd xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen.

Xiddiga reer Denmark ee 26 jirka ah ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee ay ku xoojinayaan khadka dhexe marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay maamulka Tottenham miiska u saarto xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez si ay ugu qanciyaan in uu Eriksen ku biiro Los Blancos.

Maamulka Real Madrid ayaa Eriksen u arka badalka Luka Modric ee mustaqbalka dhaw waxana ay diyaar u yihiin in ay Tottenham siiyaan xiddiga James Rodriguez.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ayna Real Madrid aaminsanayn in uu James Rodriguez mustaqbal ku leeyahay kooxda Real Madrid.

James Rodriguez oo lala xiriirinayo Arsenal sidoo kale ayaa haatan amaah kula jooga kooxda Bayern Munich oo uu 2 sano amaah ah ugu biiray.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here