Real Madrid Oo Chelsea U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Si Toos Ah Ugula Wareegi Karto Mateo Kovacic

Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Chelsea u sheegtay in ay Miiska saarto lacag dhan 42 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Kovacic ayaa Stamford Bridge kaga soo biiray amaah xagaagii kadib markii ay Real Madrid la soo saxiixatay goolhayaha Thibaut Courtois.

Wargayska reer Spain ee Elconfidencial ayaa sheegaya in tababaraha Cusub ee Real Madrid ee Zidane uu iska fasaxayo xiddiga isaga oo waliba ku qiimeeyay 42 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee Chelsea ayaan wali wax go,aan ah ka qaadan arintaas maadama ay wali la tacaalayso sidii ay racfaan uga qaadan lahayd ganaax laga saaray suuqa.

Chelsea ayaa arinta la aadi doonta maxkamada sare ee kubada cagta si ay racfaan uga qaadato ganaaxa laakiin waxa ay u badan tahay in ayna ku guulaysan.

Taas ayaa shaki weyn ku tuuraysa mustaqbala Kovacic xilli ay u muuqata in uuna mustaqbal ku lahayn kooxda Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here