Real Madrid Oo Chelsea La Furtay Wadahalo Ay Ku Doonayso Eden Hazard Saacado Kadib Markii Uu Zinedine Zidane Ku Soo Laabtay Kooxda

Kooxda Real Madrid ayaa saacado kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa Tababare Zinedine Zidane wadahadalo la furtay kooxda chelsea oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga Eden Hazard sida ay sheegayaan wararku.

Zizou ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay kooxda Real Madrid bilo kadib markii uu isagu isaga tagay shaqada kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa haatanba qorshaynaysa saxiixi ugu horeeyay ee Zidane ee suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Hazard ayaa doonaya in uu ku biiro Real Madrid xilli ay Los Blancos adeegiisa ku raad joogtay suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Wargayska Telegraph ayaa haatan sheegaya in ay Real Madrid wadahadalo la furtay Chelsea saacado yar kadib markii ay ku dhawaaqday Heshiiska Zidane.

Zidane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda waxana uu filayaa in uu Hazard noqdo saxiixiisa ugu horeeya ee weyn.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here