Real Madrid Oo Chelsea Ka Hor Istaagi Karta Saxiix Gonzalo Higuain Bishan January, Qaab Noocee Ah?

0

Kooxda Real Madrid doonaysa in ay qasto heshiiska uu Gonzalo Higuain ugu biirayo kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Genoa ee Krzysztof Piatek kaas oo ay Ac Milan doonayso in ay ka dhigto badalka Gonzalo Higuain oo ay doonayso kooxda chelsea.

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah isugu diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Krzysztof Piatek kaas oo wacdaro ka dhigaya Horyaalka Serie A-da.

Laakiin talaabadaas ayaa Keenaysa in ay Ac Milan ka noqoto in ay Chelsea ka iibiso xiddiga Higuain kaas oo doonaya in uu la midoobo Tababare Sarri.

Ac Milan ayaa doonaysa in ay hesho badalka Higuain ka hor inta ayna u ogolaan in uu ku biiro kooxda Chelsea oo heshiis amaah ah ku doonaysa.

Da,yarka reer Poland ee Krzysztof Piatek ayaa ah xiddiga ay u calaamadsatay in ay ku badasho Higuain laakiin kooxda Real Madrid ayaa haatan uga horaysa saxiixa xiddiga.

Hadii ay Real Madrid hesho Krzysztof Piatek Ac Milan ayaa ka noqon doonta in ay Chelsea ka iibiso Higuain inta lagu jiro suuqa Janaury ee bishan sida laga soo xigtay wargayska Daily Express.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here