Real Madrid Oo Beenisay In Ay Dalab 280 Milyan Ah Ku Doonayso Saxiixa Kylian Mbappe Iyo Warkii France Football Oo Ay Ka Hadleen.

Shalay galabtii waxaa hal mar saxaafada dalalka Spain iyo France qabsaday warka sheegayay in Zinedine Zidane uu bilaabay hawl galka uu ku doonayo saxiixa Kylian Mbappe waxaana warkan jabiyay majalada caanka ah ee France Football laakiin Real Madrid ayaa beenisay in ay dalab 280 milyan ah ku doonayaan saxiixa Kylian Mbappe.

Wargaysyada Marca iyo Sport oo dalka Spain ka soo baxa isla markaana ka mid ahaa warbaahintii qortay in Real Madrid ay 280 milyan ku doonayso saxiixa xidiga PSG ee Kylian Mbappe ayaa markan shaaciyay in Real Madrid ay beenisay warkan.

Real Madrid ayaa sheegtay in ayna wax dalab ah u diyaarsan Kylian Mbappe isla markaana ayna jirin fursad ay kula soo saxiixnayso da’yarka reer France wuxuuna warkani biyo qabow ku shubay wararkii sida xoogan tan iyo xalay saxaafada ku haystay ee sheegayay in Zidane uu haddaba bilaabay hawlgalkii uu ku heli lahaa Kylian Mbappe.

Zinedine Zidane iyo Florentino Perez ayaa si toos ah uga shaqaynaya samaynta saxiixyo magac wayn oo sare u qaadi kara kooxda hadda ee Bernabeu ku soo fashilantay waxaana ka mid ah xidigaha aan Mabppe ahayn ee Madrid lala xidhiidhinayo Sadio Mane, Eden Hazard, Kante, Icardo iyo Harry Kane.

Laakiin kooxda PSG oo aan si sahlan ciyaartoyda kooxdeeda ku iibin ayaa hadda u muuqata in ay war fiican ka heshay Real Madrid maadaama oo ay sheegeen in ayna fursad u haysan in ay la soo saxiixdaan Kylian Mbappe sida ay qorayaan warbaahinta Spain.

Kylian Mbappe ayaa noqday xidiga kubbada cagta aduunka ugu qiimaha sareeya kadib markii uu soo joogteeyay qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigtay tan iyo markii uu jabiyay shaxda kooxda kowaad ee AS Monaco wuxuuna hadda u muuqdaa mid aan meel uga bixi karin PSG.

Maamulka PSG ayaa haddaba bilaabay wada xaajoodyo heshiiska loogu kordhinayo Neymar Jr sida uu aabihii shaaciyay laakiin maamulk PSG ayaaba Kylian Mbappe u arka mustaqbalka dhan ee kooxdooda waana sababta ayna Madrid u arkin fursada ay xidigan ku heli karaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here