Real Madrid oo bedelka Raphael Varane ka dhex aragta kooxda Atletico Madrid

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo warinayaa inay bedelka difaaceeda Raphael Varane ka dhex aragto naadiga ay ka wada dhisan yihiin caasimadda Spain ee Madrid.

Sida ay warinayso Jariirada AS kooxda Real Madrid ayaa bartilaameedsanaysa difaaca naadiga Atletico Madrid ee Jose María Gimenez.

Raphael Varane ayaa la fahamsan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu xagaagan ka tago garoonka Santiago Bernabeu, Madaxweynaha kooxda Los Blancos ee Florentino Perez ayaana doonaya inuu xiddigan reer Uruguay bedel uga dhigto.

Wargeyska ka soo baxa dalka Spain waxa uu warbixintiisa intaa ku daray in macallinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane uu doonayo oo uu bartilmaameedkiisa sare ka dhigtay difaaca naadiga Napoli ee Kalidou Koulibaly, laakiin Madaxwayne Perez uu ka door-bidayo Gimenez.

Yeelkeede, Gimenez ayaa kaliya heshiis cusub oo shan sanadood ah u saxiixay kooxda Atletico sanadkii 2018, Real Madrid ayaana ku qasbanaan doonta inay bixiso lacagaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo dhan 100 milyan oo gini iyo in ka badan haddii ay doonayaan inay difaacan ka soo qaataan kooxda ay ku xafiiltamaan Magaalada Madrid.

Gimenez ayaa 25 kulan tartammada oo dhan u saftay kooxdiisa Atletico Madrid xilli ciyaareedkan waxaana uu u dhaliyey labo gool oo kaliya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here