Real Madrid Oo Bartilmaameed Ka Dhigatay Raheem Sterling & Zidane Oo Sabab U Ah

0

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedkeeda 1-aad ka dhigteen xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling xilli ay dib u dhis ku samaynayaan kooxda.

Zinedine Zidane ayaa taageero weyn u ah Sterling kaas oo sumacad fiican ku dhistay orod badan iyo waliba tayo fiican.

Real Madrid ayaa doonaysa Sterling isaga oo ka mid ah lacag 300 iyo wax ka badan oo ay ku doonayaan xagaaga xiddigaha ay ka mid yihiin Neymar, Eden Hazard & Christian Eriksen.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Real Madrid si aad ah ula socoto xiddiga reer England kaas oo ka mid noqday xiddigaha ugu fiican premier League.

Sterlinga ayaa door weyn ka ah kooxda Man City waxana uu heshiis cusub u saxiixay kooxda wakhti dhaw laakiin Zidane ayaa doonaya adeega xiddig.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here