Real Madrid ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuuleysa sidii ay u soo xero gilin lahaayeen saxiixa xiddiga United ee Rashford waxa ayna diyaar la yihiin aduun dhan 100 kun oo euro
Rashford ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed wacan waxa uuna soo jiitay indhaha kooxaha waa weynka kale ee qaaradda yurub
Balse United si sahal ah kuma fasaxayan laacibkaas waxa ayna haatan ka shaqeynayaan sidii hishiis cusub uga saxiixan lahaayeen laacibkaas sida wargeyska The Sun uu sheegayo
Real waxa ay sidoo kale diyaar u yihiin in laacibkaas ay siiyaan mushaar gaaraya 250 kun oo gini oo u qaadanayo todobaadkii .
Waxaa xusid mudan in hishiiska haatan ee Rashord ee Old Trafford uu ka harsan yahay kaliya 18 bil balse waxa ay horay iskula meel dhigeen qodob ah in uu hal sanno dheeraad ah uu ku dari karo hishiiskaas