Real Madrid Oo 4/2 Ku Garaacday Girona Xilli Ramos Dhaliyay Laba Gool , Cope Del Rey Ayay Ciyaarayeen

Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Girona natiijo dhan 2/1 waxa uuna kulankaan ahaa lugta koowaad ee wareegga 8-aad ee Cope Del rey waxaana lagu ciyaarayay garoonka Real

Real ayaa daqiiqaddii 7-aad looga naxsaday gool uu saxiixay Anthony Lozano balse maamulka kubadda iyaga ayaa cagta ku hayay waxa ayna bar bar dhaca keeneen daqiiqaddii 18-aad xilligaas oo uu saxiixay Lucas Vazquez .

Guud ahaan ciyaarta waxa ay aheyd qeybtaas hore mid isku jacbursan oo is buurasho badan ayaa jirtay sidaas oo ay tahay Real ayaa maamulka ku badneyd .

Dhowr rigoore oo laga diiday Real , ugu dambeyn waa loo dhigay waxaana daqiiqaddii 42-aad gool u turjumay Sergio Ramos , waxa ayna guud ahaan kubad haysashada Real gaartay heer dhan 60%
Waxa ay kooxda.com xusyesaa in kulankaan uu ahaa midkii afaraad ee dhamaan tartamada ee ay Real iyo Girona kuwada kulmayaan

Qeybta labaad , Real dar dar xooggan ayay ku soo galeen waxa ayna duullaan ku ahaayeen goosha Girona balse ma jrrin fursad xaqiiq ah ee ay sameeyeen

Girona waxa ay ka sheeganeysay in ay kubadda la qeybsadaan Real waliba ay cagta ku hayaan marka ay cagtooda soo gasho .

Daqiiqadii 66-aad Girona waxa ay dhaliyeen gool rigoore ah oo natiijada ka dhigay min laba gool waxaana dhaliyay Alex Granell xilli badallada ay ka hor goolkaas sameeyeen ay ku soo giliyeen Liorente iyo Kross halka Isco-na la keenay ka dib goolkaas .

Sidaas oo ay tahay Real niyad jab kama aysan qaadin goolkaas , waxa ayna duullaan ku ahaayeen goosha Girona iydoo kubad la soo qajafeeyay uu gool cajiib ah waliba madaxa ah uu ku dhaliyay Ramos daqiiqaddii , waxaana kubaddaas lahaa Marcelo

Ka dib goolkaas , Real waxaa ka g`oneyd in ammaanka natiijada ay adkeystaan waxa ayna heleen gool 4-aad uu saxiixay Karim Benzema daqiiqaddii 80-aad

Kooxda martida daqiiqadihii geerida waxa ay isku dayayeen in ugu yaraan heleen gool kana hor tagaan gool 5-aad balse xaalka waa ku adkaa waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 4/2 oo ay Real ku badiyeen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here