Real Madrid Oo 2/1 Uga Soo Badisay Levante Xilli Laba Kaar Cas Lagu Qaatay Kulankaas .

Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Levante hal gool oo rigoore ahaa oo yimid dhamaadkii qeybta hore waxaana saxiixay Benzema ka dib markii xiddig Levante ah kubad lagu laaday uu gacanta ku celiyay daqiiqaddii 43-aad

Real inkastoo mararka qaar heerka kubad haysashadooda uu gaaray %59 hadana xaalkooda ma wacneyn oo wax badan ayaa ka qaldanaa halka kooxda martida loo ahaa ay abuurayeen fursado qaali ah waxaana jirtay fursad birta kaga dhacday .

Real waxa ay ka sheeganeysay qadka dhexe oo heerkii laga rabay kuma soo muuqan waxaana taasi u sii dheereed in qaar ka mid ah ciyaartooyda Real soo bandhigayeen bandhig aan lagu qancin sida Casemiro .
Kooxda Levante waxa ay ku wacneyd kubadaha deg deg ah iyo baasaska dhameystiran waxaana Real qeybtaas hore shaqo adag qabanayay oo boosas kala duwan ka ciyaarayay Karem Benzema .

Qeybta labaad , waxa ay labada koox ku bilaabeen qaab deg deg ah oo marba koox ayaa kubadda u badneyd balse ma jirrin wax fusrad xaqiiq aheyd .

Levente , weerarkooda waa uu wacnaa illaa afar xiddig ayayna afka hore u soo direen , waxa ayna Real ku tiirsanayeen mararka qaar kubadaha rogaal celiska ah .

Weerarkii Levante waxa uu ku yimid goolka bar bar dhaca waxa ayna heleen daqiiqaddii 60-aad waxaana saxiixay Roger Marti kaasi oo kubad loo soo qajfeeyay sii dhameystiray .

Qeybihii dame , waxa ay ciyaarta ay aheyd mid deg degsiimo oo gool raadis ayay ahaayeen labada dhinac oo marba marba koox ayaa aagga goosheeda la tagayay .

Real waxa ay daqiiqaddii 74-aad soo giliyeen Gareth Bale oo loo saaray Benzema waxa ayna Real durba heleen rigoore ka dib qalad lagu galay Casemiro waxaana laaday oo dhaliyay Bale daqiiqaddii 78-aad.

Dhamaadkii Levante isku dayo kala duwan ayay muujiyeen balse kubad saxan lama aysan tageyn aagga goosha Real, waxaana labada koox daqiiqadii 86-aad iyo 89-aad kaarka cas laga siiyay Nacho oo ku horeeyay iyo Pedro Lopez, waxa ayna guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday Real Madrid

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here