Real Madrid iyo Manchester United oo ku dagaalamaya saxiixa xidig ka tirsan kooxda Roma

Kooxda Real Madrid ayaa kula dagaalameysa dhigeeda Manchester United saxiixa daafaca heerka caalami ee dalka Greece iyo kooxda Roma Kostas Manolas, kadib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga ah ee “La Gazzetta dello Sport” tababare  Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu sameeyo saxiixa magaca daafac cusub ee si wanaagsan kaga ciyaari kara qeybta dhexe, magaca ugu hadal heynta badan ayaana ah Kostas Manolas.

Image result for kostas manolas

.

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayuu dagaal xoogan ku dhex mari doono suuqa xagaaga ee soo aadan, sababa la xiriira saxiixa daafacan birta ah ee kooxda Roma Kostas Manolas.

Wargeyska ayaa sheegay in wararka xanta ah ee ku aadan in Raphaël Varane uu ka tagayo Real Madrid kadib dhamaadka xili ciyaareedkan, ay ka dhigtay in maamulka kooxda ay suuqa ka raadiyaan saxiixa daafac cusub, si ay kaga fogaadaan halista ka imaan karta hadii ay dhacdo in Varane uu ka dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabéu.

Labadan kooxood ayaa sida laga soo xigtay wargeyska waxay ku qasbanaan doonaan inay bixiyaan qiimo dhan 22 milyan euro si y gacanta ugu dhigaan saxiixa Kostas Manolas, xili mushaarka uu ka qaato kooxda Roma lagu sheegay 2.7 milyan euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here