Real Madrid & Chelsea Ma Maqlaysaan? Wakiilka Ahna Xaaska Mauro Icardi Oo Rajo Wayn U Abuurtay Kooxaha Cheslea Iyo Madrid Iyo Waraysi Ay Bixisay Oo Kooxo Badan Soo Jiitay.

0

Gool dhaliyaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa la filayay in maamulka kooxdiisa Inter ay heshiis cusub ka saxiixanayaan si meesha looga saaro xiisaha badan ee uga imanayay kooxaha Real Madrid iyo Chelsea laakiin wakiilka ahna xaaskiisa ayaa war ka duwan shaacisay.

Xaaska Mouro Icard ee Wanda Nara oo sidoo kale ah wakiilkiisa khaaska ah ayaa shaacisay in ayna wax heshiis cusub ah kula dhawayn kooxda Inter Milan isla markaana ay jiraan kooxo badan oo Yurub ah oo xiisaynaya ninkeeda si ay ula saxiixdaan.

Hadalka Wanda Nara ayaa ku soo beegmaya xili Icardi si xoogan loola xidhiidhinayo kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo si wayn ugu baahan gool dhaliye tayo sare leh sida Icardi waxayna Wanda Nara dabka ku sii shiday mustaqbalka xidiga reer Argentina.

Laakiin qaabka ay xaaska ahna wakiilka Icardi ee Wanda Nara waraysigan u bixisay ayaa ah mid luuqad kulul ah kaas oo digniin culus u diraya kooxda Inter Milan isla markaana si buuxda albaabka ugu furaya kooxaha doonaya saxiixa Icardi.

Wanda Nara ayaa iyada oo ka hadlaysa heshiis cusuboonaysiinta Icardi ee Inter Milan waxay tidhi: ” Sida ay maanta waxyaabuhu u taagan yihiin, heshiis cusboonaysiinta Icardi in badan ayaanu ka fognahay. Waxaa jira kooxo aad muhiim u ah oo xiisaynaya saxiixa Mouro isla markaana aad ayaanu uga fognahay in aanu heshiis la gaadhno (Inter)”.

Laakiin Wanda Nara ayaa wax aan jirin ka dhigtay lacagihii la sheegayay in Mouro Icardi uu heshiis cusub ugu saxiixayo Inter Milan waxayna tidhi: “Tirooyinka looga hadlay Talyaaniga ee heshiis cusboonaysiintu ma aha wax sax ah, ilaa hadda Inter kamaanu helin dalab aanu ku qanacno”

Balse xaaska Icardi ahna wakiilkiisa ee Wanda Nara ayaa fariin u dirtay mamulka Inter Milan iyada oo balan qaad culus samaysay waxayna tidhi: “Wax macquul ah ma aha in Mouro uu heshiiskiisa ku cusboonaysiiyo mushaar la mid ah kan uu hadda qaato, waxaanu aaminsanahay in Mouro uu ku jiro heer ka sareeya”.

Halka xaaska ahna wakiilka Mouro Icardi ee Wanda Nara ayaa fariin cad u diray kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo xiisaynaya saxiixa xidiga reer Argentina wuxuuna sidoo kale hadalkani digniin culus u yahay maamulka Inter Milan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here