Real Madrid & Barcelona Oo Ku Heshiiyay Bar-Baro Min Hal Gool Ah Kadib Kulan Xiiso Leh Oo ka Dhacay Camp Nou

Kulan xiiso leh ayay kooxda Barcelona iyo Real Madrid ku kala bexeen bar-baro kulan ka dhacay garoonka Camp Nou kana tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis ah waliba sameeyay fursado badan oo goolal laga dhalin karo.

Lod Blancos ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 6-aad iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Lucas Vazquez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Saaxiibada Karim Benzema ayaa soo bandhigay qaaab ciyaareed cajiib ah waliba dhalin kara ugu yaraan 2 gool qaybtii hore marka loo eego fursadihii ay samaynayeen.

Barcelona ayaa iyaga qaadayay weeraro yar oo ayna waliba ka midho dhalin waliba dhaafin kari waayay daafaca kooxda Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ciyaarta oo ay Real Madrid ku hogaaminayso 1/0 waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ayaa noqotay qaybtii Barcelona iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta waliba goobo galiyay Real Madrid.

Daqiiqadii 57-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Malcom kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona ayaa samaysay fursado waali ah oo ay ka dhalin kareen iyaga oo ka qaab ciyaareed fiicnaa Real Madrid.

Dhanka kale Real Madrid ayaa samaysay fursado yar oo ay ka samaysay weeraro rogaal celis ah kagana dhalin gaadhay gool kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyaga oo sidaas iskula tagi doona Bernabue iyaga oo bar-baro ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here