Real Madrid & Barcelona Oo Ciyaari Doona Kulamo Go,aamin Doona Xilli Ciyaareedkooda Muddo Aad U Yar

0

Kulanka dhex mari doona kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona ee Semi-finalka Copa del Rey ayaa kooxaha ugu taariikhda Weyn La Liga ku keenay in ay ciyaaraan kulamo xasaasi ah todobaadyada soo socda.

Labada Kooxood ayaa lugta 1-aad ee Semi-finalka isaga hor iman doona 6 bishan ee February iyada oo lagu qaban doono garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa horyaalka La Liga la ciayari doonta kooxda Valencia 2 February Ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Atletico Madrid 10 February iyada oo sidoo kale la ciyaari doonta kooxaha Real Valladolid 16 February iyo Sevilla oo ay la ciyaari doonto 25 February.

Waxa intaas u dheer in ay kulamadaas dhexdooda ciyaari doonto laba kulan ee Copa Del Rey-ga ay la ciyaari doonto Real Madrid.

Waxa xaalada ku sii xumayn doona in ay la ciyaari doonto kooxda Lyon lugta 1-aad ee Wareega 16-ka champions league 19 February taas oo la macno ah in ay bisha February ciyaari doonaan 7 kulan.

Kulamada Real Madrid ee soo socda ayaan dhankooda ahayn qaar aan fududayn:.

Waxa ay ugu horayn la ciyaari doonaan kooxda Barcelona lugta 1-aad ee Copa del Rey 6 February.

Waxa ay kadib la ciyaari doonaan kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico Madrid 9 February ka hor inta ayna 11 bisha la ciyaarin kooxda Ajax kulan champions League ah.

16 ama 17 February waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Girona kulan horyaalka La Liga ah ka hor inta ayna la ciyaarin Kooxda Levante 23 February.

Lugta 2-aad ee Copa del Rey ayay la ciyaari doontaa kooxda Barcelona 26 ama 27 bisha February.

Kadib waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona kulankii 2-aad ee horyaalka La Liga 2 bisha March ka hor inta ayna la ciyaarin Ajax lugta 2-aad ee champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here