RASMI: Xiriirka Qaarada Africa Ee CAF OOo Soo Saaray Liiska 3-da Xiddig Ee U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Africa Sanadkii 2018

0

Xiriirka kubada cagta Africa ee CAF ayaa si Rasmi ah u soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee xiddigaha u tarami doona xiddiga ugu fiican qaarada Africa ee sanadkii 2018.

Xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane & Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u tartami doona xiddiga ugu fiican qaarada Africa ee sanadka 2018.

Mohamed salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah wakhtigii ugu dambeeyay kadib markii uu xilli ciyaareedka ku bilowday si aad u xun.

Xiddiga Sadio Mane ayaa dhankiisa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira isaga oo kooxda Liverpool u dhaliyay goolal badan oo ka mid yahay finalkii champions league.

Xiddiga reer Gabon ayaa dhankiisa wacadaro ka dhigaya kooxda Arsenal isaga oo ilaa haatan 13 gool u dhaliyay kooxdiisa horyaalka preier League.

Laacibkii.com ayaa xusaysa in xaflada abaalmarinta xiddiga ugu fiican Africa la qaban doono 8 bisha January ee 2019 iyada oo lagu qaban doono caasimada Dalka Senegal ee Dakar.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here