RASMI: Xiriirka Kubada Cagta Spain Oo Shaaciyay Is Badal Lagu Samayn Doono Tartanka Spanish Super Cup & 4 Kooxood Oo Ka Qayb Gali Doona

Madaxweynaha Xiriirka Kubada cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo loo qaban doono tartanka Super Cup-ka Spain iyada oo loo bixin doono “Final Four”.

Nidaam-ka cusub ee tartanka waxa ka qayb qaadan doona 4 kooxood kuwaas oo u tartami doona ku guulaysiga tartanka.

Tartanka ayay ka qayb qaadan doonaan kooxda ku guulaysata Copa Del Rey-ga, Kooxda gaadha Finalka Copa Del Rey-ga, kooxda qaada horyaalka La Liga iyo kooxda kaalinta 2-aad ka gadhay horyaalka.

Luis Rubiales ayaa sheegay in tartanka lagu qaban doono meel ka baxsan dalka Spain sanad walba iyada oo la go,aamin doono meesha lagu qaban doono.

ayaa sanadkan ku guulaystay tartanka kadib markii ay Sevilla ku garaaceen 2/1 kulanka oo lagu qabtay dalka Morroco.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here