RASMI: Xiriirka Kubada Cagta Africa Ee CAF Oo Shaaciyay Wadanka Marti Galin Doona Koobka Africa Ee 2019

0

Xiriirka Kubada cagta Africa ee CAF ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay wadanka ku guulaystay marti galinta koobka Qaarada Africa ee sanadkan 2019.

Dalka Masar ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay sharafta mati galinta koobka ugu qiimaha badan Africa kadib markii laga qaaday marti galinta dalka Cameroon.

Xiriirka kubada cagta Africa ayaa bogooda Facebook-ga si Rasmi ah ugu sheegay in ay Masar markii 5-aad ee taariikhdeeda ku guulaystay marti galinta koobka adduunka.

Sanadihii hore ee ay Masar marti galisay koobka Africa ayaa kala ah 1959, 1974, 1986 & Sanadkii ugu dambeeyay ee 2006.

Koobka Africa ayaa la qaban doonaa xagaaga sanadkan iyada oo ay ka qab qaadan doonaa 24 oo loo qaybiyay 6 Group oo kala duwan.

Xulka Masar ayaa isagu wakhti hore u soo baxay tartanka Africa iyada oo ay laba kulan ka hadhsan yihiin is reeb-reebka koobka Africa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here