RASMI: Xiriirka FA-g Oo Go,aan Ka Gaadhay Ganaaxa Mohamed Salah Kadib Dhacadadii Newcastle?

0

Xiriirka kubada cagta England ayaa go,aan ka soo saaray ganaaxa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah kaas oo si kas ah isku tuuray kulankii Newcastle Rikoodhena ku helay.

Dad badan ayaa xiriirka England ku riixay in ay talaabo ka qaadaan Mohamed salah kadib guushii 4/0 ahayd ee ay kooxda Liverpool ka gaadhay kooxda Newcastle.

Laakiin saxfiga ku dhaw kooxda Liverpool ee James Pearce ayaa sheegay in uuna xiriirka England wax talaabo ah ka qaadin doonin xiddiga reer masar kadib dhacdadii Rikoodhaha.

James Pearce ayaa sheegay in uu xiriirka FA-gu aaminsanayn in ayna jirin xaqiiqo muujinaysa in uu mohamed salah si kas ah isku tuuray kadib markii uuna garsooruhu warbixin ka gudbin.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanku qirtay in uu jiro wax khalad ah laakiin xiriirka FA-ga ayaa go,aansaday in uuna wax ganaax ah dusha ka saarin xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here