RASMI: Xherdan Shaqiri Laga Saaray Liiska Xulka Qarankiisa Switzerland, Maxaa Haleelay?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa laga saaray Liiska xulka qarankiisa Switzerland ee la ciyaari doona xulalka Georgia & Denmark kulamada is reeb-reebka Euro 2020 kadib dhaawac Canqawga ah oo soo gaadhay.

Shaqiri ayaan u ciyaarin kooxdiisa Liverpool tan ilaa kulankii bar-baraha 0/0 ah ay Liverpool la gashay Man United ee bishii Hore isaga oo ahaa kayd aan la isticmaalin kulankii Fulham.

Xiddiga ayaa xiddigaha ay isku xulka yihiin ku biiray Isniintii laakiin wax tababar ah lamuu qaadan waxana uu maray baadhitaan.

Jawaabta ayaa sheegtay in uu shaqiri ka dhaawacan yahay canqawga taas oo ka reebtay kulamada xulka qarankiisa ee fasaxa xulalka.

Shaiqir ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 6 gool 21 kulan oo premier League ah tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Stoke City.

Si kasta ha ahaatee waxa uu ciyaaray kaliya hal kulan tan ilaa bilowgii sanadka cusub ee 2019 isaga oo ahaa kayd aan la isticmaalin 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

Xiddiga ayaa haatan ku laaban doona Liverpool si uu halkaas ugu bilowdo daawaynta dhaawaca iyada oo la filayo in uu taam u noqdo kulamada kooxdiisa kadib fasaxa xulalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here