RASMI: Warbixin Ka Soo Baxday Xaalada Dhaawac Ee Kevin De Bruyne, Miyuu Seegayaa Kulanka Manchester Derby Mise…?

0

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa kulanka Manchester Derby ee ay Arbacada la ciyaari doonto kooxda Man City kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan baaqi u ah labada kooxood.

Man United ayaa war fiican heshay kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne seegi doono kulanka Arbacada ee Manchester Derby.

27 jirka khadka dhexe ka ciyaara ayuu dhaawac muruqa ah soo gaadhay sabtidii kulankii ay City guusha ka gaadhay kooxda Tottneham waxana uu seegi doonaan kulanka Manchester derby.

De Bruyne ayuu dhaawac ka soo gaadhay muruqa kulankii Tottenham laakiin warbixinta ayaa sheegaysa in uuna dhaawacu ahayd mid aad u weyn.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Pep Guardiola laakiin u fiican Ole Gunnar Solskjaer Kaas oo ay kooxdiisu u baahantahay guul ay ka gaadho kulankaas si ay ugu dagaalamaan boosaska champions League.

United ayaa kulankaas guul u baahan kadib guuldaro 4/0 ah oo ka soo gaadhay kooxda Everton Axadii shalay kulan ka tirsanaa premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here