RASMI: Wakhtigii La Ciyaari Lahaa Kulanka Manchester derby Oo Dib Loo Dhigay, Sabab

Kulanka Sida weyn loo sugayo ee Manchester derby ee la filayay bisha March ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Man City u soo baxday wareega 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa kooxda Man United kula ciyaari lahayd Old Trafford 16 bisha March kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Laakiin guushii 4/1 ahayd ee ay Man City ka gaadhay kooxda Newport County ayaa la macno ah in ay Man City ciyaari doonto 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka 16 bisha March.

Wakhtiga cusub ee la ciyaari doono ayaan wali la shaacin laakiin waxa laga yaabaa inla ciyaari todobaadka ugu horeeya ee bisha April.

Man United ayaa dhanka kale sugaysa in ay ogaato in ay u soo baxdo wareega 8 dhamaadka marka ay Isniinta la ciyaari doonto Chelsea.

Kooxaha Man United iyo Chelsea oo FA Cup-ka kala qaaday xilli ciyaareedkii hore ayaa isha ku haya in ay boos ka samaystaan wareega 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here