RASMI: Wakhtiga La Ciyaari Doono Kulanka 2-aad Ee El Clasico Ee Horyaalka La Liga Oo La Xaqiijiyay, Meel Ku Sii Qoro Wakhtiga & Taariikhda

Xiriirka kubada cagta dalka Spain Ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay wakhtiga la ciyaari doono kulanka El Clasico ee u dhexayn doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kana dhici doona garoonka Santaigo Bernabue kana tirsan horyaalka La Liga.

Xiriirka ayaa sheegay in kulanka lugta 2-aad ee horyaalka La Liga ee El Clasico la ciyaari doono todobaadka 26-aad ee horyaalka.

Kulankan oo ah midka ugu xiisaha badan Spain iyo adduunkaba ayaa la ciyaari doonaa 2 bisha March gaar ahaan saacda Bariga Africa marka ay tahay 10:45 habeenimod.

Madaxweynaha xirirka Spian javier Tebas ayaa sidaas u xaqiijiyay idaacada ka soo baxada Catalonia ee RAK.

Kooxda Barcelona ayaa kulankii hore ee qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan 5/1 ku garaacday kooxda Real Madrid kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here