RASMI: UEFA Oo Soo Saartay 4-ta Xiddig Ee U Tartami Doonta Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan.

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska 4-ta xiddig ee u tartami doona xiddiga ugu fiican champions League wareega 16-ka ee la ciyaaray todobaadkan.

Todobaadkan ayaa la ciyaaray 4 kulan iyada oo kooxda Real Madrid garaacday Ajax halka Roma ay garaacday kooxda Fc Porto.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa garaacday man United si la mid ah Tottenham ayaa guul ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund.

Liiska xiddigaha todobaadkan u tartami doona xiddiga ugu fiican champions League ayuu ugu horeeyaa goolhahaa kooxda Real Madrid ee Thibout Courtois kaas oo sameeyay badbaadino waali ah kulankii Ajax.

Waxa sidoo kale Liiska ku jira xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Marco Veratti kaas oo jeebka gashaday Paul Pogba.

Si la mid ah da,yarka kooxda Roma ee Zaniolo oo 2 gool ka dhaliyay kooxda Fc Porto ayaa ku jira Liiska si la mid ah daafaca kooxda Tottenham ee Vertonghen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here