RASMI: UEFA Oo Soo Saartay 4-ta Xiddig Ee U Tartami doona Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan.

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican champions League todobaadkiisii 2-aad.

UEFA ayaa soo xulatay 4-tii xiddig ee qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay kulamadii la ciyaaray salaasadii iyo Arbacadii.

Salaasadii iyo Arbacadii ayaa la ciyaaray 4 kulan oo ay laba ka mid ah ku dhamaadeen bar-baro goolal la,aan ah kuwa kalena la kala badiyay.

Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ayaa bar-baro goolal la,aan ah ku kala baxay xalka Lyon iyo Barcelona ku kala bexeen 0/0 si la mid ah.

Dhanka kale Man City ayaa 3/2 uga badisay Schalke halka ay Atletico Madrid 2/0 uga badisay kooxda Juventus kulan la yaab ahaa.

Hadaba UEFA ayaa 4-taas kulan ka soo xulatay 4 xiddig oo u tartami doona xiddiga ugu fiican tabaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan.

Xiddigahaas ayaa kala ah Jason Denayer oo u ciyaara Lyon, Thiago Alcántara oo u ciyaara Bayern Munich, Raheem Sterling oo u ciyaara Man City & Diego Godin oo u ciyaara Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here