RASMI: UEFA Oo Soo Saartay 4-ta Xiddig Ee U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray 4-ta xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan tartanka champions League.

Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray kulamadii lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo dhamaan guulo la kala gaadhay kulamada toodbaadkan.

Kooxaha Ajax iyo Juventus ayaa ah kooxaha kaliya ee ku kala baxay bar-baro 1/1 ah halka kooxaha Man United, Man City iyo Fc Porto ayna wax gool ah dhalin kulamadoodii.

Kooxaha Barcelona, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood gaadhay guulo qaali ah iyaga oo hal lug lasii galay wareega Semi-finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

UEFA ayaa soo saartay 4-tii xiddig ee qaab ciyaareedka cajiibka ahaa soo bandhigay todobaadkan iyaga oo ku tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan champions League.

Liiska ayay ku jiraan xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino kaas oo gool dhaliyay mid kalena caawiye ka noqday kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Porto.

Waxa sidoo kale Liiska ku jira xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Gerrard Pique kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay guul 1/0 ah ka gaadho kooxda Man United.

Waxa Liiska ku jira xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee De Jong iyo xiddiga kooxda Tottenham ee Song kuwaas oo kooxohooda ka caawiyay in ay natiijooyin fiican ka helaan kulamadoodii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here